Wadan 10.000 Oo Dollar Siinaya Haweeneydii Caruur Dhasha.

0
110

Singapore waxaa ay la daalaa dhaceysaa in Dad weynuhu ay iska daayaan Caruur dhalida Iyadda oo taas ka duuleysa waxaa ay lacago u balanqaaday Dadweynaha si ay u dhiiregaliso madaama Wadanku uu Saameeyey Caabuqa Coronovirus.

Waxaa laga walaacsan yahay in dadweynuhu ay iska daayaan carruur dhalidda, xilli ay la daalaa dhacayaan culeys dhaqaale iyo shaqo la`aan.

Weli lama shaacin caddadka lacagta la siinayo qofka.

Singapore waa mid ka mid ah dalalka ugu hooseeya dunida marka la eego ilmo dhalitaanka, waxayna in muddo ah la daalaa dhacaysay sidii ay sare ugu qaadi lahayd.

Taas si ka duwan, dalalka ay deriska yihiin ee Filibiin, iyo Indonesia ayaa isku dayaya inay xakameeyaan haweenka uurka qaadaya tan iyo Markii uu Bilowday Xanuunka Cotonovirus.

Singapore ayaa haatanba waaliddiinta marka ay carruur dhalaan siisa lacag dhan S$10,000 ($7,330, £5,644).

Dalal badan oo qaaradda Aasiya ku yaalla ayaa waxaa sidoo kale la soo dersay hoos u dhac dhanka carruur dhalidda ah, inta lagu guda jiro xanuunkan safmarka ah.

Horraantii sanadkan, xaddiga ilmo dhalidda dalka Shiinaha ayaa meeshii ugu hooseysay gaartay, muddo 70 sano ah. Iyadoo hoos u dhacan la shaaciyay xilli uu dalkaasi khafiifisay siyaasadda la cambaareeyay ee halka cunug.