Qisada Guusha Jack Ma, Ninka Ugu Taajirsan China

0
96

Warbixintan Waxaan Diirada Ku Saareynaa Taariikhda Hantiilaha  Hal abuurka leh ee 30-jeer ku dhacay Imtixaanka 30-jeer Shaqo loo diiday kadibna Noqday Maalqabeen Balaayiin Doolar Heysta.

Waa Ninka Lagu Magacaabo Jack Ma oo udhashay Dalka Shiinaha ahna Hal abuure Gacacsigiisa Guuleystay.

Jacka ma Waxaa uu Maamule ka yahay oo uu isagu leeyahay Shirkad Lagu Magacaabo Alibaba Group Oo Dhaninaca internetka wax ku iibisa.

Jack Ma waa nin caan ah islamarkana ah maclin luuqadda Ingiriiska kaasi oo dhisay shirkadda tiknoolaji ee ugu wayn caalamka.

Alibaba ayaa waxaa loogu yeeraa “Amazon-ka bariga “.

Mr JACK Ma ayaa shirkadda ka bilaabay gudaha gurigiisa oo ku yaalla Shiinaha gaara ahaan magaalada Hangzhou, sanadkii 1999.

Tan iyo xilligaasi shirkadda Alibaba ayaa noqotay mid ka mid ah shirkadaha doorka wayn ka ciyaara dalka labaad ee ugu wayn dhaqaalaha caalamka.

Wuxuu Aas aasay Websetka layiraahdo Alipapa.com wuxuuna u aas aasay si ay ugu xirto waz soo saarka Shirkasaha Ganacsiga Ee China islamarkaana iyagu ay ka faa’iidaan in Badeecadahooda ay Dadku Gaaraan.

Maalqabeenkan Lagu magacaano Jackma ayaa Mar uu saxafiga layiraahdo jalle roos Uu Wareysi siinaye wuxuu uu sheegay in kahor Hodantinimadiisa  uu ku guul dareystay Waxyaabo Badan inta uusan aas aasin Shirkadda uu haatan Aas aasay ee Alibaba Group.

Waxaa uu sheegay in mudo 3 jeer ah uu ku dhacay intixaan uu ugalay machad ama kuleej islamarkaana uu ku dhacay, markii uu katagay waxaa uu shaqo u doontay Boliiska Balse waa loo diiday.

Waxaa kaloo uu sheegay in isaga iyo 24 qof oo kale ay shaqo uwada doonteen shirkad layiraahdo KFC oo la aqbalay Codsiyada 23- qof Marka laga reebo isaga oo Nasiib u yeelan waaye in Codsigiisa La aqbalo.

Jack ma ayaa waxaa la sheegaa in hantidiisa ay dhan tahay $40 bilyan oo doolar.

Waxaa uu si rasmi ah uga dagay jagada gudoomiyaha shirkadda Alibaba 2018.

Waxaa uu xilligaas sheegay in uu doonayo in uu diiradda saaro dhanka samafalka.

Balse Ma ayaa wali kursi joogto ah ku leh golaha shirkadda Alibaba ee uu asaasay 20 sano ka hor.

Iyada oo ay isu raaceen hantidiisa iyo caannimada ayaa waxaa uu wali yahay mid ka mid ah ragga ugu awoodda badan dalka Shiinaha.

Jacma Waa Ninka 22 ee aduunka Ugu Hodan san.

Halista soo waji karta Jack Ma

Balse Ma aya halis ugu jira in ficil celin uu kala kulmo xukuumadda Beijing? Xi Jinping ayaan lagu aqoon in uu aqbalo dadka kale ee soo jiita dareenka caalamka islamarkana dowladiisa waxay horey u bartilmaameedsatay dad caan ah .

Sanooyiinkii ugu dambeeyay jilaayaal, wariyayaal caan ah iyo dhowr qof oo bilyan-neer ah ayaa “la waayayay ” muddo dheer.

Qaar ka mid ah oo uu ka mid ahaa wareye wararka aqrin jiray ayaa ku dambeeyay in xabsiyo lagu xukumo

Oraahyada Caan baxay ee laga soo wariyey Maalqabeenkan waxaa kamida in uu yiri ” weligaa ha is dhiibin oo ha quusan, hadey maanta kugu adagtahay Beri ayaa ka daran oo ka xun lkn beri maalinka xiga ayaa kuu dhalaaleysa oo ku noqoneysa mid kuu iftiinta taasi oo ku tusineysa in qofka aanu quusan Fursadana ay soo mareyso mar un lkn Aanu isdhiibin oo uu alle tala saarto.

Fadlan Hadii Macluumaadkan aad ka heshay oo ay kusoo jiidatay Sii share-garee oo la wadaag Asxaabtaada kale.

W/Q:- Zakariye Maxamuud Cali Qaran.