4-ta Atariisho ee Ugu Mushaarka Badan Bollywoodka.

0
53

Qaarkamida Xiddigahan Cusub ayaa ah kuwo weli aysan u soo bixin Filimadoodii ugu Horeeye ee Bollywoodka halka Qaarkood Ay yihiin Kuwa soo saaray oo Durba Caan Noqday sida Sara Ali khan iyo jhanvi Kapoor.

Tani waxaa ay imaaneysaa iyadda oo Sanadahan Danbe kaliya Bolly woodka uu ka faa’iido Agtarada Saamenyta ku dhex leh Saxaafadda sidda Ananya Pandy Oo Hore Caan ka Noqotay Si dhaqso ahna ku sameysay Shacbiyad Fara badan iyo Daqli Xooga iyadda oo weli uusan soo Bixin Filimkeedii Ugu Horeeyey.

Maanta waxaan idiin Hayaa Afarta Atariisho ee ugu Mushaarka Badan Bollywoodka kuwaasi Oo ku Cusub Bollywoodka.

Sara Ali khan

Xaqiiqdii Cidna Ma aaminsaneyn in Sara Ali Khan ay sidan dhaqsaha leh ku Noqoneyso Atariisho Caan ah oo lawada Jecelyahay kahor Bandhigeeda labadeeda Filim ee Ugu Horeeye kuwaasi oo kala ah kadernath iyo Simmba.

Kadib Dadaal iyo Juhdi Fara badan oo ay gelisay Xirfadeeda iyo Jaceylka ay u qabto Shaqadeeda ayaa Gabadhan ka dhigtay in ay Noqoto Atariisho Caan ah.

Hada waxaa ay kamid tahay Atariishooyinka Ay aadka u baadigoobayaan Filim soo saareyaasha Bollywoodka iyadda oo halkii Filim ku sameyneysa 1.5 Corore.

Jahnvi Kapoor.

Gabadhan ay dhaleen Sridevi iyo soo saaraha caanka ah ee Bonny kapoor ayaa Sanadkii Hore markii ugu horeysay Kasoo Muuqatay Bollywoodka iyadda oo Lasoo shartagtay wacdaro layaab leh.

Filimkeedii ugu horeeye waxaa lagu magacaabaa dhadak waxaana la waday agtarka caanka ah ee ishan khattar.

Hadda Jahnvi waxaa ay Halkii Filim kuqaadataa Aduun Lacageed oo dhan 1 Crore oo Rupes ah.

Tara sutaria

Tara sutaria waxa ay dhawaan kusoo baxday Filimka Stident of the year qeybtiisa labaad iyadda oo Durba Noqotay mid caan ah oo hanata shacbiyad aad u fara badan iyadda oo Talaabadaa ka dhigtay in ay hesho saxiixa  Mashruucyo kale.

Bandhig Cajiiba oo ay la soo Baxday Tara waxaa ay ka dhigtay in ay Noqoto Atariisho lawada jecel yahay iyadda oo iminka Halkii Film ku qaadata 85 lack

Ananya Pandy.

Quruxleydan uu dhalay Agtarka Caanka ah ee chunky Panday ayaa noqotay mid Caan ka ah Gudaha Bollywoodka iyadda oo noqotay mid ay Saxaafadu aad u jecelyihiin Xilli walbana ay Wax ka qoraan Nolosheeda Gaar ka ah iyo Sida Dhaqsaha leh oo ay Kusoo Caan Baxday.

Ananya ayaa Si lamida Tara Sutaria waxaa ay kusoo Caanbaxday Filmka Student of the year Qeybtiisa labaad iyadda oo Durba Kasbatay Shacbiyad aad u fara badan iyo Taageerayaal Daacad u ah.

Gabadhan Sida Dhaqsaha leh Ku soo jiidatay Filim soo saareyaasha Bolly woodka ayaa Waxaa Filim Soo saareyaasha Daneynaya in ay Film u sameyso Ka Dooneysa Lacag dhan 80 Lack