Maxaad Ka Ogtahay Haweenka Ugu Taajirsan Aduunka & Siraha Kadambeeya…

0
211

Asc Waxaan Warbixintan ku eegidonnaa Dumarka qaniga ah: Sidey dhaqaalaha ku heleen haween dunida ugu taajirsan?

Inaga oo Eegidonna 5-kamida Dumarka Ugu Taajirsan Dunida iyo Siraha Ka Dambeeya In ay Noqdaan 5-ta Dumar ee Aduunka Ugu Taajirsan.

1) Françoise Bettencourt-Meyers

.
 

Haweeneydan ayaa hantideeda lagu sheegay 49.3 bilyan oo doollar, waana qofka 15aad ee adduunka ugu taajirsan, sida uu kusoo warramay wargeyska ka faallooda dadka maalqabeennada caalamka.

Haweeneydan oo u dhalatay dalka Faransiiska ayaa dhaxal ahaan u heshay shirkad soo saarta waxyaabaha la isku qurxiyo, waxaana iyada iyo qoyskeeda ay leeyihiin saami dhan 33 boqokiiba shirkadaas.

Haweeneydan 65 sano jirka ah ayaa hantidan ka dhaxashay hooyadeed Liliane Bettencourt oo dhimatay sanadkii 2017, waxaana in muddo ah haweeneydan iyo hooyadeed u dhaxeeyay muran dhanka hantida.

Waa haweeney wax baratay, buugaag badanna qortay, waxaana kaalinta koowaad ay ka gashay haweenka ugu hantida badan caalamka.

2) Alice Walton

Alice Walton
 

Waxaa hantideeda lagu qiyaasay 44 bilyan oo doollar, waana qofka 17aad ee ugu hantida badan caalamka.

Haweeneydan 69 sano jirka ayaa ah gabadha keliya ee uu dhalay asaasaha dukaanka caanka ah ee Walmart ee dalka Mareykanka.

Haseyeeshee si ka duwan walaaladeed, waxaa ay dhinac uga baxday shirkadda qoyskooda, waxaana ay diiradda saartay farshaxanka oo waxaa ay markii dambe noqotay guddoomiyaha shirkadda Crystal Bridges Museum.

3) MacKenzie Bezos Xaaskii Hore Ee Ninka Ugu Taajirsan Caalamka.

Jeff and MacKenzie
 

Waxay dad badan ku tilmaamaan inay tahay haweeneyda ka macaashtay kala taga iyada iyo ninkeeda. Waxay heysataa hanti ka badan 35.6 bilyan oo doollar, waxayna lacagtaas ka heshay xaqqii ay ku lahayd shirkadda badeecadaha intarnetka ku iibisa ee Amazon oo uu leeyahay seygeeda.

35.6 bilyan waa lacagta keliya ee ay ka heshay asaasaha shirkadda Amazon oo ay kala tageen, waxaase la qiyaasayaa in lacag intaas ka badan ay leedahay.

4) Jacqueline Mars Haweneyda Leh Shirkada Ugu Weyn Dunida ee Soo Saarta Macmacaanka & Shukulatada

Jacqueline Mars
 

Waxaa la sheegaa inay tahay haweeneyda ugu da’da weyn dumarka maalqabaneeda, waxana ay heysataa lacag dhan 23.9 bilyan oo doollar. Waa qofka 33aad ee ugu taajirsan caalamka. Waxay leedahay shirkadda ugu weyn adduunka ee sameysa macmacaanka iyo shukulaatada oo uu horay u asaasay awoowgeeda sanadkii 1911.

Ku dhawaad 20 sano waxay u shaqeyneysay qoyskooda, waxayna shirkadaas ka tirsaneyd tan iyo sanadkii 2016-ka. Sidoo kale waxaa ay leedahay shirkad kale oo soo saarta raashiinka la siiyo eyada dadka ay xanaaneystaan.

5) Susanne Klatten Haweneyda ka ganacsata Gawaarida & Daawoyinka

Susanne Klatten
 

Waxay u dhalatay dalka Jarmalka, hantideedana waa 21 bilyan oo doollar. Waa haweeneyda 46aad ee ugu taajirsan caalamka.

Haweeneydan oo ah tan labaad ee ugu hantida badan dumarka qaaradda Yurub ayaa da’deeda lagu qiyaasay 56 sano jor. Waxaa ay ka ganacsataa baabuurta iyo dawooyinka.

Boqolkiiba 50 hantideeda waxaa ay ka dhaxashay shirkadda Kiimikada ee Atlanta AG, kadib markii ay dhinteen waalidiintooda. Sidoo kale iyada iyo walaalkeed waxaa ay dhaxleen boqolkiiba 50 shirkadda baabuurta soo saarta ee BMW.