WHO Oo Ka Digtay In Cudurka Corona Uu Afrika Ku Dili Karo ilaa 190,000 qof

0
184

Ha’yadda Caafimaadka ee Adduunka ayaa ka digtay in cudurka corona uu gudaha Afrika ugu geeriyoon karta ilaa 190,000 qof waa haddii lagu guuldareysta tallaabooyinka lagu xakameynayo safmarka.

Agaasimaha WHO ee Afrika Matshidiso Moeti ayaa sheegtay in heerka fiditaanka feyraska gudaha qaaradda uu yahay mid gaabis ah balse wuxuu horseedi karaa in si baahsan uu uga dilaaco Afrika.

Ha’yadda waxay soo jeedisay in la xoojiyo adeegyada caafimaadka ee qaaradda.

“Waxaa loo baahan yahay in baaritaanno la sameeyo, la dabagalo kisaska, lana karantiilo kiisaska isla markaana la daweeyo” ayay tiri Matshidiso Moeti.