Wasiirkii Amniga Jubbaland C/Rashiid Janan Oo Xabsiga Ka Baxsaday

0
274

Kuxigeenka taliyaha booliska ee Soomaaliya, Sareeye-guutoZakiya Xuseen ayaa shaaca ka qaadday in saaka uu xabsiga ka baxsaday wasiirkii amniga Jubbaland, Cabdirashiida Xasan Janan.

Waxay sidoo kale sheegtay in laamaha amniga ay ku raad joogaan Janan.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sannadkii lasoo dhaafay xabsiga dhigtay Cabdirashiid Janan, wasiirka amninga ee Jubaland. Dowladdu waxay sheegtay in Cabdirashiid Janan loo haysto “dambiyo culus” oo uu galay.

Waxaase Dadku isweydiinayaan Sida Uu ku Baxsaday Maxbuuskan Ma Halkii uu Ku Xirnaa ayaa Aheyd mid aan Ammaankeeda La Xaqiijin.?Mase laga yaabaa in Maxaabiista kale ee sidiisa oo kale Sameynta Leh sida Muqtaar Rooboow Cali Abu-Mansuur iyo Sheakh Xassan Daahir Aweys in iyaguna ay Baxsan karaan.?