Jubbaland Oo Shaki Gelisay Nolosha Wasiir Janan Oo DFS Sheegtay In Uu Baxsaday.

0
218

Warar Soo Baxay ayaa Shaki Gelinaya Nolosha Wasiirkii ugu awooda Badnaa Maamulka Jubbaland C/Rashiid Janan oo Mudooyinkii ugu Dambeeyey U Xirnaa Dowladda Soomaaliya.

Wasiir ka tirsan jubbaland Waxaa uu Gargaar.net u sheegay in uu Tuhmayo in uu dhintay Wasiir Janan oo ay DFS Qarineyso Xaqiiqada islamarkaana ay Talaabada Maanta ee ah Baxsadnimo Ay marmarsiimo ka dhiganeyso.

Zakiyo: Taliye Ku Xigeenka Boliiska Soomaalia

Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliya Zakiya Huseen ayaa barteeda Twitter_ka ku daabacday in uu ka baxsaday Halkii uu ku xernaa ,Cabdirashiid Gen oo ahaa wasiirka amniga ee Jubbaland oo bilooyinkii ugu dambeeyey Dowladda Gacanteeda Ku jiray.

Hadalka ka sooyeeray laamaha Booliiska ayaa waxaa walaac iyo Su aalo ka keenay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka soomaaliya iyo wasiiro ka tirsan Maamul Goboleedka Jubbaland.

Jubbaland Ayaa ka Walbahaarsan Nolosha Wasiir Janan Oo Maalmihii Ugu Dambeeyey Xanunsanaye

Wasiiro ka tiray Dowladd Goboleedka Jubbaland Oo ay Gargaar.net la xariirday ayaa sheegey in ay shaki ka qabaan in uu noolyahay iyo inkle wasiirkii ammniga jubbaland.

Waxee sidoo kle tibaaxeen in wasiirka maalmihii ugu dambeeyey uu Xanuun sanaa isla markaa ay macquul thy in uu geeriyooday Dowlladana ay ka shacabka ka kharineyso Xaqiiqta Jirta.

Amnesty Oo hore DFS Uga Dalbatay In Cadaaladda La Horgeeyo C/Rashiid Janan.

Hey’adda Amnesty International Ayaa Hore War ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay in ay soo dhaweyneyso Xariga Wasiir Janan oo ay Tilmaamtay in uu gelay Dembiyo Culus.

Amnesty waxaa ay DFS ka Dalbatay in Cadaaladda la horgeeyo C/Rashiid Janan Wasiirkii Amniga Jubbaland oo Kamid ahaa Wasiiradda aan Dhicin ee Jubbaland.

Si kastaba ha noqotee waxaa walaac buuxta laga qabaa halka ay arinta ku dambeen doonto.