Video: RW Kheyre Oo Baajiyey Socdaalkii Dh/Mareeb Magacaabayna Gudiga Gurmadka Dhawacyadii Qaraxi Muqdisho.

0
259

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Calo kheyre ayaa Maanta Baajiyey Safar Uu kutagi lahaa Magaaladda Dhuuso Mareeb kadib Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Muqdisho.

Subaxnimadii Hore ee Saakay ayuu Qarax Xoogan oo Gilaaftay Nolosha Kudhawaad 80-Ruux oo Shacab u badan ayaa waxaa uu ka dhacay Isgoyska Ex-Contarool Afgooye ee Duuleedka Muqdisho dhinaca Koofur-Galbeed.

Xasan Cali Kheyre ayaa Tacsi u diray eheladda iyo Asxaabta Dadkii Ku Geeriyooday Qaraxa isaga oo kuwii dhawacmayna alle uga Baryey Caafimaad Deg Deg ah.

Ra’isul wasaaruhu waxaa uu Magacaabay Guddi ka shaqeeya Gargaarka Deg dega ah ee loo fidinayo Dhaawacyadii Qaraxii Saakay.

Halkan Hoose Ka Daalaco Video-ga.