Wararkii Ugu Dambeeyey Al-Shabaab Oo Weerar Xoogan Ka Fulisay Degmeda Balcad

0
212

Wararka aynu ka heleyno Magaaladda Balcad ee Gobolka Shabellaha  dhexe ayaa sheegaya in Dagaalyahano hubeysan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ay weerar ku dileen tiro katirsan Ciidamada Dowladda Federaalka.

Dagaalyahanadan ayaa la sheegay in subaxnimadii hore ee Saakay ay soogaleen Magaaladda Xilligaa oo Ciidamadu ay joogeen Xerada Amisom Oo ay habeenkii u hoyaad tagaan.

Inta laxaqiijiyey ilaa 7-Ruux ayaa geeriyootay oo midkamida uu yahay Shacab halka lixda kalena ay yihiin Askar.

Goob jooge la hadlay warsidaha Gargaar.net waxaa uu sheegay in Dagaalyahano hubeysan oo katirsan Al-Shabaab ay Saakay Soogaleen Magaaladda oo ay fariisimahii Jakboontiga islamarkaana ay dileen Askar katirsan Ciidamada Dowladda iyo Qof Shacab ah oo usocday Beertiisa.

Majiro ilaa hada Wax War ah oo ka soo baxay Al-Shabaab iyo dhinaca Dowladda Federaalka oo ku aada  Weerarkii Saakay balse wixii Fahfaahina ee soo kordhaa kala soco Gargaar.net.