Baarlamaanka Soomaaliya Oo Markale ka Doodaya Sharciga Wax Ka Bedelka Doorashada.

0
202

Mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Markale ka doodaya Hindisaha Sharciga Wax ka bedelka Doorashooyinka Qaranka.

Doodan oo soo bilaabatay Arbacadii ayaa waxaa ka dhalatay Dood Fara badan Taasi oo ku qotonta Qodobo Qaar oo ay Su’aalo ka keeneen Xildhibaano katirsan Baarlamaanka.

Marka Doodan ay dhamaato ayaa lafilayaa in ay Mudaneyaasha Baarlamaanku ay Shaaciyaan Nuuca Doorashada Soomaaliya Marka lagaaro Sanada 2020-ka.

Dadka Soomaaliyeed ayaa indhaha kuwada Haye oo ka dhursugaya Nuuca Doorasho ee Lagu soo dooranayo Dowladda Bedeli laheed mida Haatan Talisa ee Waqtigeedi sii dhamaanayo.

Wixii kusoo kordhaa kulanka Maanta wararkeena Dambe ayaan idin kuugu soo daabici donnaa insha’allh.