Muqdisho: Ganacsatada Kalluunka Oo Shaqo-Joojin Sameeyey Kadib Canshuur Xad-Dhaaf Ah iyo Wadooyinka Oo Xidhan.

0
326

Ganacsatada Kalluunka ee Magaaladda Muqdisho ayaa Maanta Sameeyey Shaqajoojin Kadib Markii lagu soo rogay Canshuuro Xad dhaaf ah.

Midkamida Ganacsatada Kaluunka Ka ganacsada ee Magaaladda Muqdisho oo la hadlay Warsidaha Gargaar.net waxaa uu xaqiijiyey in Shaqa joojintoodu ay Soo dedejisay Kadib Markii lagu soo Rogay Canshuuro Xad dhaaf ah iyo wadooyinkii oo xidhan.

“Waxaa la inagu soo Rogay Canshuuro Xad Dhaaf ah mana jirto wado furan oo aan marsiino Malayga aan Bada kala soo baxno si aan u iibgeysano oo kawaanadii ugeysano”ayuu yiri Cabdi Maxamuud oo kamida Ganacsatada Shaqo joojinta sameysay.

Isaga oo sii hadlaye ayuu Cabdi sheegay in Markii hore Malayga Midkii Roon Laga Qaadi jiray Canshuur ahaan 7.000 oo Shilin halka kii yarna la Canshuuti jiray 5.000 oo shilin somaali ah Balse Shiling kii la iskala tagay oo Iminka Laga doonayo Canshuur ahaan $1 (Hal-doolar) iyo 0.5 (Nus-Doolar) Taasi oo noqotay mid aysan udulqaadan karin.

Dhawaan ayey aheed Markii Ganacsatada Hilibka Geela ay sameeyeen Shaqo joojin mudo Sedex Maalin ah taasi oo ay kaga cabanayeen Canshuur Xad dhaafa iyo Wadooyinka oo xiran iyadda oo sodookale arintan ay hore uga cawdeen Darawalada Gawaarida Bl-ka iyo Moota Bajaajta.