Dibed-Bax Ka Dhan Ah Hirshabelle Oo Ka Dhacay Buulo-Burde iyo AMISOM Oo Rasaas Furtay.

0
246

Magaaladda Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Maanta ka dhacay Banaan-bax Balaaran oo looga soo horjeedo Maamulka Hirshabelle.

Boqolaal Shacab ah oo kamida Dadka Deegaanka ayaa isugu soo baxay Magaaladda Kuwaasi oo Ka Cabanaya Maamulka Horshabelle Diidanna Magacaabista Gudoomiye Cusub oo ay Hirshabelle u Magacawday Buulo-Burde.

Goob jooge La Hadlay warsidaha Gargaar.net ayaa waxaa uu sheegay in Dibad-baxa oo si nabdoon ku socday ay is hortaageen Ciidamada AMISOM iyagga oo risaas Ku Furay Dadka Dibad baxa dhigaye.

Ilaa hal ruux oo shacaba ayaa lagu soo waramayaa in risaastaa uu u geeriyooday iyadda oo tiro kamida dadka Mudaharaadayena uu dhaawac ka soo gaaray.

Dadka Degmeda Buulo-Burde Ee Gobolka Hiiraan ayaa ka dhursugaya Dibad-Baxii Balaarnaa ee Maanta kadib Talaabada Uu Qaado Maamulka Hirshabelle.