Qoysas Horleh Oo Ka Barakacay Degmeda Ow-dheegle Ee G/Sh/Hoose.

0
277

Qoysas Horleh ayaa lasoo warinayaa in ay isaga hayaameen Degmeda Owdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose kadib Roobab Mahiigaan ah Oo halkaa ka da’ay.

Qoysaskaan oo tiradooda lagu qiyaasay illaa 900 oo qoys ayaa waxa ay ka barakaceen roobab mahiigaan ah oo ka da’ay degmadaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in haatan xaalad adag ay ku heysato duleedka degmada Awdheegle ee gobolka Sh/Hoose.

Ugu dambeyn qoysaskaan ayaa ka dalbaday Koonfur Galbeed iyo dowladda Soomaaliya in lala soo gaaro gurmad degdeg ah.