Muqdisho: Ciidamo Boliis Ah iyo Koox Burcad Ah Oo Wada Dagaalamay.

0
259

Wararka aynu ka heleyno Xaafada Gubta ee Degneda Deyniile ee Gobolka Banaadir ayaa Ku waramaya in Xalay halkaa ay ku dagaalameen Ciidamo katirsan Boliiska Soomaaliya iyo Koox Burcad ah.

Qof goob jooge ah ayaa Warsidaha Gargaar.net u sheegay in Meel aan ka figeyn Hoygiisa ay soo weerareen Koox Burcad ah oo doonaye in ay dhac geystaan balse Ciidamada Ammaanka oo hoos laga wacay ayaa ku soo baxay.

“Meel aan ka fogeyn Hoygeyga waxaa soo weeraray Koox Burcad ah oo kakooban 3-4 ruux kuwaasi oo galay Guri doonayana in ay dhac geystaan balse ciidamada Ammaanka oo goobta ka agdhawaa oo si hoose loo wacay ayaa kusoo baxay oo ka hor istaagay”Ayuu yiri.

“Daqiiqado Kooban ayaa waxaa dhex maray Dagaal kooban waxaa ku dhaawacmay hal ruux oo shacab ah sidookale waxaa dhaawac uu soo gaaray midkamida Kooxdii Burcada aheyd iyadda oo dableydii dhaca dooneysay ee kalena ay Baxsadeen” Ayuu yiri Goobjoogaha Nala hadlay.

Inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa Xilliyadda Habeenkii ka dhaca Falal ĺidi ku ah Ammaanka oo waxaa lagu arkayaa Mararka Qaar Dabley Hubeysan oo dhac u geysta Dadka Shacabka ah iyadda oo aysan Muuqan Wax Talaaba ah oo ay arinta inta badan uqaadaan Maamuladda Degmooyinka Sidii loo Baajin lahaa.

Xafiiska Wararka Muqdisho ee Gargaar.net