Daadad Xoog-Leh Oo Ku Soo Rogmaday Garbahaareey.

0
233

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee Soomaaliya ayaa sheegaya in daaddad xoog leh ay ku soo rogmadeen magaalada Garbahaareey kadib markii roobab maahigaan ah ay ka da’een afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay.

Daaddad ka soo rogmaday togga kala qeybiya magaalada ayaa la tagay sedex qof inkastoo labo kamid ah la soo badbaadiyay haddana wali waxa la la’ yahay ruux kale sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Daaddadkan ugu dambeeyay ayaa kala qaybiyay magaalada iyadoo qoysaska dadka gudaha ku barakacay ay ku go’doon sanyihiin xaafaddaha galbeed ee Garbahaareey.