Wafdi Ka socda Madasha Xisbiyada Qaran oo u ambabaxay Jowhar iyo Mahadaay

0
218

Wafdi ka socda Madasha Xisbiyada Qaran, uu hoggaaminayo Gud. Xisbiga Ilays Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa saakay ku sii jeeda gobolka Sh/dhexe gaar ahaan deegaannadi ay Fatahaaduhu ka dhaceen ee Jowhar, Mahadaay iyo deegaanno kale.

Wafdiga waxaa qayb ka ah masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada Himilo Qaran, UPD, Horusocod Qaran iyo Kulan.

 

Roobab Lixaad leh oo Ka Da’ay Goboladda Dalka ayaa Sabab unoqday in ay Fatahaan Wabiyadda oo ay Qarqaradu Jabsadaan iyadda oo Taasi ay Sababtay Barakaca Kumanaan Qof.

Maamulka Degmeda Mahadaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe waxaa uu dhawaan warfidiyeenka u sheegay in Dadkii ay saameynta Ku yeelatay Fatahaada Wabiga Ay xilligan soo wajahday Cuno-yari, Caafimaad daro, iyo Hoy-la’aan.