Roobab Xoogan Oo Ka Da’ay Gobolka Bari.

0
286

Iyadoo si weyn cabsi looga qabay inay xeebaha Puntland soo gaaraan duufaan ku wajahneyd deegaanada xeebaha badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed ee Puntland ayaa waxaa ka bilowday roobab mahiigan ah oo da’ayey ilaa habeenimadii xalay kuwaasoo aan la soo sheegin inay geysteen wax dhibaato ah balse saacado badan da’ayey saacado badan.

Deegaanada Roobabkan Ay Ka Da’een Waxaa kamida Deegaanada Caluula, Bandara Beyla, Bangala, Xaafuun, Iyo Boosaaso.

Dadka Deegaanadaas oo Lahadlay Gargaar.net waxaa ay sheegeen in Roobab Xoogan oo Ka Da’ay Deegaanadooda aysan jirin Cid Dhibaato Kasoo gaartay Marka laga soo tago in Dadka iyo Duunyaduba ay ku diirsadeen.

Dhinaca kalena, culimada Puntland ayaa todobadkaan waxay ku hawlanayd gurmad dhaqaale loogu ururinayo dadka fataahaada webigu barakiciyey ee ku nool magaalada Beldawayne, waxaa kaloo jira gurmad noocaan oo kale ah oo ka socda magaalayinka Puntland kaasoo lacag, dhar, cunto iyo gogosha lagu seexdo ay dad is xilqaan ahi ka ururinayaan xaafadaha iyo goobaha ganacsiga. Sheikh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo ka mid ah Culimada Puntland ayaa sheegay in iminka ay culimadu gacanta ku hayaan lacag ku dhaw Sadex boqol iyo kunton kun oo Doolar.