Baarlamaanka Puntiland Oo Diiday In Xasaanada Laga Qaado Xildhibaan Cawil Daad.

0
237

Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland oo maanta cod u qaaday codsi dhawaan ka soo baxay xeer ilaalinta maamulkaasi oo ahaa in xasaanadda laga qaado xildhibaan Cawil Xasan Daad kadib markii uu su’aalo weydiiyay madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni ayaa si aqlabiyad ah ku meelmariyay in la laalo dacwaddaasi.

Warar xalay soo baxay ayaa sheegaya in madaxweyne Deni uu oggolaaday inuu la laabto dacwadda.

Xildhibaan Cawil Xasan Daad oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in haddii kiis loo haysto ay jirto hanaan loo maro islamarkana ay ahayd in baaritaan la sameeyo.

“Aniga Qalad Waan gali karaa, Waana La iga gali karaa Balse waxaa jirta Hanaan Loo maro sida in Xeer ilaalintu ay Baaritaan sameyso Oo aniga Su’aalo iweydiiso Balse intaa oo dhan inta laga tilaabay ayaa la beegsaday halkii ugu Dambeysay oo aheyd in Xasaanadeydii loo soo dhigto”ayuu yiri Xildhibaanku.