Maxkamada CQS Oo Xukuntay Gudoomiyihii Hore Ee Degmeda Maxaas.

0
224

Maxkamadda ciidamada Soomaaliya ayaa xukun madaxa ha ku furto ah ku ridday gudoomiyihii hore ee degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Cilmi Cawaale kadib markii garsoorihii kiiskiisa gacanta ku hayay uu sheegay in lagu helay dambi ah inuu wax ka maleegay qorshihii lagu khaarajiyay kuxigeenkiisii hore marxuum Rashiid Cusmaan Cabdi oo ku dhintay qarax la dhigay maqaayad uu fariisan jiray oo ku taalla Maxaas 19 kii bishii afarraad ee sanadkan.

Sidoo kale waxay maxkamaddu dil toogasho ah ku xukuntay Nuur Ibraahim Mahad oo ka tirsanaa ciidanka dawladda, isagoo lagu helay dambi ah inuu qaraxa galiyay maqaayadda uu ku dhintay gudoomiye kuxigeenku.

Maxkamaddu waxay kaloo dil toogasho ah ku xukuntay isagoo maqane ah Cali Axmed Guure oo ka tirsan Al-Shabaab kaasoo garsooruhu sheegay inuu soo dhiibay qaraxa lagu dilay gudoomiye kuxigeenkii hore ee degmada Maxaas