Al-Shabaab Oo Weerartay Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

0
251

Wararka ka imaanayo degaanka Dadajabula oo ka tirsan magaalada Wajeer ee gobolka waqooy bari Kenya ayaa sheegayo in maleeshiyaad ka tirsan ururka Al Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig boolis ku yaal halkaas, sida uu ku warramay wargeyska Daily Nation.

Waxay maleeshiyaadka xaley weerar ku qaadeen saldhigga booliska ee Dadajabula ee koonfurta Wajeer.

Wararka waxay sidoo kale sheegayaan in hub culus iyo baasuga ay saldhigga ku weerareen.

Sarkaal ka tirsan dowladda oo uu soo xigtay wargeyska ayaa sheegay in weerarka lala xiriirinayo 2 qof oo la rumeysanaa inay ka tirsanayeen ururka oo lagu xiray halkaas.

Labo xubnood ee ka tirsanaa ururka la dilay halka 2 boolis ah iyo qof kale oo ka tirsanaa ciidammada keydka lagu dhawaacay dhacdada.