Diyaarad Siday Ciidamo Oo Ka Degtay Dhuuso-Mareeb Xilli Uu Jiro Khilaaf Xoogan.

0
277

Magaaladda Dhuuso-Mareeb ee Gobolka Galgaduud waxaa Saakay Markale ka Degtay Diyaarad siday Ciidamo Kuwaasi oo Katirsan Ciidamada Sida Gaar ka ah U Tababaran ee DFS.

Ciidamadan oo tiro ahaan gaaraya illaa 60 askari ayaa la sheegay inay ka mid yihiin kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadani lagu xoojinayo kuwa dowladda ee horay ugu sugnaa deegaanada maamulka Galmudug.

Ammaanka Dhuusamareeb waxaa inta badan la wareegay ciidamada dowladda oo dhaq dhaqaaqyo ka wada halkaasi.

Arrintan ayaa sidoo kale waxa ay ku soo aadeysaa, iyadoo haatan uu taagan yahay khilaaf xoogan oo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo ururka Ahlu Sunna Waljamaaca.