Dibed-Bax Balaaran Oo Maanta Ruxay Garoowe. Sawiro

0
229

Boqolaal Shacaba ayaa Maanta isugu soo Baxay Wadooyinka Waaweyn Ee Magaaladda Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal kuwaasi oo Ka Careysnaa Dil Xalay ka dhacay Magaaladaasi.

Dibed-Baxayaasha ayaa Dalbanaye in Cadaaladda Loo helo qof Shacab ah oo xalay lagu dilay Garoowe.

Askari Katirsan Ciidamadda Maamulka Puntiland ayaa Xalay Dil u geestay Qof Shacab ah Gudaha Magaaladda Garoowe taasi oo soo dedejisay Dibad Baxa Maanta Ruxay Magaaladda.

Dadka Banaanbaxa Dhigaye ayaa Gubaye Taayaro iyagga oo Laamaha Ammaanka Puntiland iyo Madaxda Ugu sareysa Maamulkaasi ka dalbaday in Cadaaladda Loo helo Marxuumka Geeriyooday oo Meydkiisa uu yaalo Cisbitaalka Guud ee Magaaladda iyagga oo sheegay in aan La aasi doonin.