MUQDISHO: Safaaradii Mareekanka Ee Soomaaliya Oo Dib Loo Howlgaliyey 30-Sano Kadib.

0
237

Mareykanka ayaa dib u furay safaaradii uu ku lahaa Magaalada Muqdisho.

Safaaradda ayaa xirneyd mudo ku dhaw 30 sano, waxaana la xiray markii Soomalaiya ka qarxay dagaalkii sokeeye.

War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya aya lagu sheegay in arrintan ay timid, kadib markii Mareykanka uu sandkii hore dib u bilaabay xiriirkii diblomaasi ee uu la lahaa Soomaaliya.

“Waa tallaabo kale oo horay loo qaaday, taas oo markale dib boorka looga jafayo xirirkii caadiga ahaa ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Mareykanka, waxay calaamad u tahay xiriirka sii xoogeysanay ee Mareykanka iyo Soomaaliya iyo horumarka xasiloonida, iyo nabadda Soomaaliya.” Ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa sidoo kale sheegay in dib u furida safaaradda Mareykanka ay tahay taariikh muhiim ah iyo tallaaba kale oo loo qaaday joogteynta xiriirka diblomaasi ee ka dhaxeeya Mareykanka iyo Muqdisho.

Dowladda Mareykanka oo horay u aqoonsatay dowladda Soomaaliya ayaa wakaaladda wararka ee Reuters waxay kusoo warantay in Mareykanka uu yahay dalka ugu badan ee taageerada siiya Soomaaliya oo waxaa uu sanadkii hore la sheegay in U.S uu Soomaaliya siiyay gargaar dhan 730 milyan oo doolar

Mareykanka ayaa sidoo kale Soomaaliya ka taageero dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab oo waxaa uu Soomaaliya ka fuliya duqeymo dhanka cirka ah oo uu ku bartilmamaeedsado dagaalamayaasha Al Shabaab.