Ciidanka XDS, Dowladda Mareekanka iyo Al-Shabaab Oo Si Is-Qilaafsan Uga Hadlay Weerarkii Balli-Doogle.

0
279

Iyadda Oo Maanta Dagaalameyaal Hubeysan Oo Katirsan Al-Shabaab ay Weerar Xoogan Ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Mareekanka Ay ku leeyihiin Balli-Doogle ayaa waxaa Warar isqilaafsan Lasoo saaray Ciidanka XDS, Dowladda Mareekanka iyo Al-Shabaab.

Xerada Ciidamadda Mareekanka Ee Balli-Doogle

Weerarka oo ku bilowday Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyey oo ay xigtay Weerar Toos ah ayaana Rasmiyan loo heyn Ilo Madax Banaan Oo Xaqiijinaya Khasaaraha Weerarkaas.

War Ka Soo Baxay Ciidanka Xooga Dalka.

Ciidanka Dowladda Ee Sida Gaarka Ah Utababaran.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa faah faahiyey weerarkii maanta lagu qaaday saldhigga Balidoogle ee gobolka Sh/Hoose.
Weerarka oo ku bilowday is qarxin ayey sheegeen saraakiishu inay fashiliyeen, isamarkaana ay ku soo gabagabeeyeen wax ka yar 10 daqiiqo.
Sidoo kale waxa ay sheegeen in la dilay dhammaan dagaalyahannadii ka tirsanaa Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday, sida ay hadalka u dhigeen.
Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana ciidamada Milatariga Soomaaliya ay dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka bilaabeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Saldhiga Balli-Doogle ee Maanta La Weeraray.

Safaaradda Mareykanka ee Somalia ayaa ka hadashay weerarkii maanta dagaalyahannada  Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhiga ciidamada Mareykanka ee Balidoogle.

Warka ka soo baxay safaaradda ayaa lagu sheegay inay cambaareyneyso weerarkaasi iyo qaraxii maanta ciidamada dowladda Talyaaniga lagula eegtay magaalada Muqdisho.

Safaarada Mareekanka Ee Soomaaliya Oo Ka Hadashay Weerarka.

Dowladda Maraykanka waxa ay cambaareynaysa weerarrada maanta ka dhacay Baledogle iyo Muqdisho Waxaan amaanayna ciidamada Soomaaliyeed oo ka hortagay weerarka lagu soo qaaday fariisiin ciidanka Soomaaliyeed uu ku lee yahay Baledogle ee gobolka shabeelaha hoose.

Ciidanka oo ahaa mid fajignaan muujinaayo ayaa ku guuleystay in uu ka hortago wareerka fashilmey, oonan u oggolaanin kuwa weerarka soo qaaday inay jebiyaan darbiga difaaca ee saldhigga. Waxaan ku faraxsannahay in aysan jirin qasaara kasoo gaarey labadii weerar ciidanka xoogga dalka.

Weerarkan ayaa mar kale muujiyey in Al-Shabaab ay carqalad ku yihiin horumarka, nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya. Dowladda Maraykanka waxa ay xaqiijineysaa dadaalka xooggan ay siineyno dadka iyo xukuumadda Soomaaliyeed anigo oo gacan ka geysaneyno dadaallada wadajirka ah taaso lagu doonaayo in logu baabi’iyo kooxaha argagixisada iyo dhisida dal xoog leh oo dadkiisa ku horseedo barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan.

War Kasoo Baxay Al-Shabaab.

Al-Shabaab

Xarakada Al-Shabaab Oo ka Hadashay Weerarkii Maanta ayaa sheegtay in Kudhawaad Boqol Askari oo isugu jira Soomaali iyo Ameerikaan in ay ku Dileen Weerarkii Maanta.

Weerarka oo Ku Biliwday Gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyey ayna xigtay Isrisaaseyn Toos ah ayey Al-Shabaabku sheegeen in Dagaalame yaashoodu ay ugu suurtagashay in ay qabsadaan Qeb Kamida Xerada Mudana ay ka dagaalamayeen.

Sargaal katirsan Al-Shabaab oo la hadlay Idaacada Codkoodu ku hadasha ee ANDALUS layiraahdo waxaa uu sheegay in Khasaare Xoogan uu ka dhashay Dagaalkaas oo ay Dileen kudhawaad 100-Askari iyadda oo ay Burburiyeen Sedex Diyaaradood oo isugu Jira Daroonis iyo Helecoptar.

Marka laga soo tago Wararkan is khilaafsan ee weerarka ku saabsan Majiro Warar Madax banaan oo muujinaya Khasaaraha Dhabtaa ee Weerarka iyo Guulaha Dhinacyadan kala sheeganayaan.