DFS Oo Faahfaahisay Shirka Wada-Tashiga Soomaaliya Ee Ka Furmaya Muqdisho.

0
248

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Faahfaahisay Shirka Wada Tashiga Soomaaliya Ee Biliwga Bisha Soo socota Ka Furmi doono Magaaladda Muqdisho.

Shirkan Ayaa lagu wadaa in uu Muqdisho Ka Furmo 1-2-da Bisha Soo socota.

Wasiiru’dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha mudane Cabdullaahi Xaamud ayaa sheegay in shirkaan ay kasoo qeybgali doonaan kudhawaad 40- Dowladood iyo Hey’ado Caalami ah.

Waxaa kaloo uu sheegay in Shirkan ay ka soo qeybgali doonaan Madaxda Maamul-Goboleedyada iyo Madaxda Gobolka Banaadir.

Waxaa mudada labada Maalin ah ee uu shirku socdo Looga Hadli Doonaa Arimaha Horumarka, Dhaqaalaha iyo Ammaanka.