Dhimasho Ka Dhalatay Gaari Ay La Socdeen Dad Rayid Ah Oo Lagu Risaseyey Duuleedka Galkacyo.

0
264

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay laba kelana way ku dhaawacmeen kadib markii duleedka Gaalkacyo lagu rasaaseeyay gaari ay la socdeen.

Laamaha ammaanka Galmudug ayaa xaqiijiyey in maleyshiyaad dhac doonayey oo ka yimid dhanka Puntland ay ka dambeeyeen falkan dhimashadda dhaliyey.

Goobjoogeyaal kala duwan oo u waramay Gargaar.net ayaa sheegaya in gaari nooca raaxadda ah oo ay qateen dadkan shacabka uu halkaas ku gubtay.

Bukaanadda ayaa waxaa haatan xaaladooda caafimaad lagula tacaalayaa mid kamid ah isbitaaladda ku yaala xarunta gobolka Mudug.

Inta badan magaaladda Gaalkacyo ayaa waxaa ka dhaca falal noocaan ah, iyadda oo aanan jirin cid loosoo qabtay oo maxkamad loosoo taago