Xildhibaan Rasaas Ka Riday Baarlamaanka Hortiisa Oo Dad Dhaawacay.

0
252

Xildhibaan ka tirsan aqalka odayaasha ee dalka Haiti ayaa rasaas ku furay mudaharaad ka socday bannaanka hore ee dhismaha baarlamaanka, isagoo dhaawac u geystay labo ruux oo uu ka mid yahay wariye sawir qaade ah.

Chery Dieu-Nalio, oo ah sawir qaade ka tirsan wakaaladda wararka ee Associated Press, ayaa ka dhaawacmay wajiga.

Nin lagu magacaabo Leon Leblanc, oo ka mid ah ilaalada amniga ayaa sidoo kale ku dhaawacmay dhacdadaas.

Xildhibaan Jean Marie Ralph Féthière ayaa rasaasta furay xilli uu kasii baxayay xarunta baarlamaanka ee ku taalla caasimadda Port-au-Prince.

Wuxuu isagu ku andacooday inuu naftiisa difaacayay marka uu rasaasta furayay.

Mr Dieu-Nalio, oo xirnaa dharka qafilan ee rasaasta celiya iyo koofida suxufiyiinta ayaa lagu soo warramay inuu gaaray dhaawac fudud, waxaana lagu daweeyay isbitaal maxalli ah.

Hase ahaatee, wali lama oga sida ay tahay xaaladda Mr Leblanc, oo goobtaas ku dhaawacmay.

.Mr Féthière wuxuu rasaasta riday isagoo isku dayaya inuu ka baxo xarunta baarlamaanka

Mr Féthière, oo ah Senator laga soo doortay dhinaca Waqooyi ayaa warbaahinta maxalliga ah ku yiri: “Waxaan isku dayayay inaan nafteyda difaaco, ka dib markii ay ii hanjabeen shakhsiyaad hubeysan”.

“Waxaa weerar igu soo qaaday maleyshiyaad qalalaase waday, sidaas darteed ayaan isku difaacay, in la isdifaaco waa xaq”, ayuu yiri xildhibaanka oo la hadlayay Idaacadda Mega ee uu fadhigeedu yahay dalka Haiti.

Xildhibaan kale oo lagu magacaabo Patrice Dumont ayaa warbaahinta u sheegay in Mr Féthière uu digniin bixiyay ka hor inta uusan rasaasta furin.

.Wariyaha sawir qaadaha ah oo lagu magacaabo Chery Dieu Nalio ayaa la arkayay isagoo cadaadis saaraya nabad ka gaaray afka agtiisa

Dibadbaxayaal ayaa isugu tagay afaafka hore ee dhismaha baarlamaanka, xilli ay xildhibaannada aqalka Senete-ka ee Haiti ay u kulmayeen inay ansixiyaan ra’iisul wasaaraha cusub ee lagu magacaabo Fritz-William Michel.

Shidaal yaraan horseedday in dhaqdhaqaaqyadii gaadiidka ay istaagaan ayaa sabab u noqotay mudaharaadyo dowladda looga soo horjeedo oo dhowr isbuuc ka socda waddankaas, oo hadda ay ragaadiyeen dhaqaale darro iyo xiisado siyaasadeed.

Dibadbaxayaasha ayaa dalbanaya inuu xilka ka dago Jovenel Moïse, oo dalkaas madaxweyne ka ahaa tan iyo sanadkii 2017-kii.

Horaantii sanadkan, Mr Moïse wuxuu ku gacan seyray baaqyada ku aaddan iscasilaaddiisa, wuxuuna sheegay inuusan dalka faraha uga qaadi doonin waxa uu ugu yeeray “burcadda hubeysan iyo kuwa daroogada iibiya”.

Isbuucanna, Mr Moïse wuxuu dib u dhigay safar uu damacsanaa inuu ku aado golaha amniga ee Qaramada Midoobay, xaruntiisa magaalada New York, mana bixi doono ilaa ay baarlamaanku ka ansixiyaan ra’iisul wasaaraha cusub.