Yusuf Garaad Oo Si ‘Sarbeeb Ah’ Uga Hadlay Xayiraadii Sheakh Shariif, Baaqna U Diray Madaxda DFS.

0
346

Wasiirkii Hore ee arimaha Dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo Ka Hadlay Xayiraadii Sheakh Shariif Kadib Shirkii Jaraa’id ee uu Maanta Qabtay ayaa Sheegay in Hadaladiisa ay yihiin kuwo aan Marnaba La Dhayilsan karin.

Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Sheakh Shariif Sheakh Axmed ayaa Shalay Diyaarad Shacab oo kasoo qaaday Turkiga Lagu Xanibay Muqdisho Xilli ay ku sii jeedday Magaaladda Kismaayo si uu uga qeybgalo Caleema Saarka Madaxweynaha Jubbaland axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Shariif Sheakh Axmed Oo Muqdisho Lagu Xanibay.

Isaga oo Qoraal Kooban Soo dhigay Boggiisa Twiterka Ayuu yuusuf Garaad waxaa uu ku sheegay in uu Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Sheakh Shariif uu yahay Mid Xur u ah Dhaqdhaqaaqiisa uuna difaacayo si lamida sidii uu berito u Difaacilahaa Xuriyadda Dhaqdhaqaaqa Madaxweyne Farmaajo hadii uu Xilka Ka Dego.

Isaga oo sii hadlaye ayuu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya laga doonayo in ay sida ugu wanaagsan u xaliso Khilaafaadka ka dhashay xayiraadii shalay Ee socdaalkii Sheakh Shariif ee kismaayo.

Gabagabadii Yuusuf Garaad Wasiirkii Hore ee Arimaha Dibedda Soomaaliya ayaa Xusay in Soomaaliya ay kajiraan Dhibaatooyin Badan oo u baahan in la Xaliyo Isaga oo ku baaqay in Cidii aan Xalkeeda Qeyb ka noqon karin Ay uga sii darin oo ay ka gaabsato.

Siyaasiyiin Hore iyo kuwa haatan Xilal ka haya Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Talaabadii Lagu Xanibay Sheakh Shariif Sheakh Axmed Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya u arka Talaabo aan wanaagsaneen oo Dib u dhac u horseedi karta Wadanka iyagga Oo muujiyey in Cawaaqibkii ka dhasha ay qaadi doonto Dowladda Federaalka.

Sidookale Maamuladda Jubbaland iyo Puntiland oo iyaguna Ka Hadlay Talaabadaas ayaa Ku Tilmaamay Mid Baalmarsan Dastuurka Dalka iyagga oo Sheegay in Dhibataadi ka dhalata ay Mas’uul ka noqon doonaan Madaxda DFS.