Dhageyso: Sheakh Shariif Sheakh Axmed Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Madaxda DFS.

0
209

Madaxweynihii  hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu si kulul u weeraray madaxda dowladda soomaaliya, isagoona ku eedeeyay in ay ku xadgudbeen sharciga dalka.

Waxaa uu sheegay in Xayiraadii La saaray Diyaaradii Qaadi laheyd Shalay Ay tahay mid Baalmarsan Dastuurka Dalka.

“Muwaadinka xaq ayuu u leeyahay inuu uu safro meesha uu doonayo, islamarkaana aan laga hor istaagi Karin, aniga iyo Madaxweyne Farmaajo waa u simanahay sharciga, cidna kama sareeeyo sharciga”. Ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale Shiikh Shariif ayaa waxaa uu sheegay in cid ka celin karta garoonka aysan jirin, islamarkaana waqti uu rabo meesha uu doono uu aadayo.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isaga oo Suud wata oo Boorsadiisa Xiran ayaa anigu Magacaabay sidaas ayuuna Saaxadda Siyaasadda kusoo galay Xasan Cali kheyrane waa lamid oo Waa lamagacaabay, Marka majiro Waqti iyo juhdi Dalku ka galay.

Waxaa uu sheegay in Dalku haatan uu ku socdo Wado Burbur ah islamarkaana aysan ogalaan doonin Jidkaa qaldan in Dalka Lagu Hogaamiyo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ugu yeeray Maamul Goboleedyada, Axsaabta siyaasadda iyo Bulshada Soomaaliyeed in ay u istaagaan Bad baadinta Dalka.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA.