Al-Shabaab iyo Dad Xoola-Dhaqato Ah Oo Ku Dagaalamay G/Bakool.

0
259

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal Xoogan oo Al-Shabaab iyo Dad Xooladhaqato ah ku dhexmaray Deegaan Hoostaga Degmeda Xudur ee Gobolka Bakool.

Deegaanka Dagaalku uu ka dhacay waxaa layiraahdaa Yab-yab waxaana uu dhacaa Duleedka Degmeda Xudur ee Gobolka Bakool.

Shabaab ayaa Dadka Ka Qaata Lacago ama Xoolo ay ugu Magac dareen Zakawaad

Dagaalka ayaa la sheegay in uu bilowday Kadib Markii Dagaalyahanada Al-Shabaab ay deegaanku ka kexeysteen Geel aad ufara badan Taasi oo ay ku sheegeen waxa ay ugu yeeraan Zakawaad.

Dadka Deegaanka oo is abaabulay ayaa waxaa ay aad uga dhiidhiyeen Arintan iyagga oo Sheegay in aysan idulqaadan doonin.

Inta laxaqiijiyey ilaa 6-ruux ayaa ku geeriyootay Dagaalka oo labada dhinac ah iyadda oo tiro intaa Ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Maleeshiyaddan is abaabulay ayaa Sheegay in Shabaabku ay Markale Doonayaan Xoolo Kale oo Fara Badan Balse iyaggu ay ka hortaagan yihiin iyagga oo ka dalbaday Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed in ay ku garab siiyaan Dagaalka adag oo ay kula jiraan Al-Shabaab.