Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Gudiga Dib-U-Heshiisiinta Galmudug.

0
244

Madaxweynaha JFS, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shalay kulan gaar ah Dhuusamareeb kula qaatay guddigii shirka arrimaha dib u heshiisiinta Galmudu oo habeen hore lagu soo gabagabeeyey gudaha magaaladaasi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey xubnaha guddiga, sida ay uga shaqeeyeen arrimaha dib u heshiisiinta ee beelaha dega deegaanada maamulka Galmudug.

Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi (Baadiyo) oo ahaa guddoomiyihii guddigaasi ayaa faah faahin guud ka bixiyey shirkaasi.

Waxaa uu sheegay in Guulo wax ku oola laga gaaray Howlaha Dib-u-heshiisiineed oo ay dhawaanahanba ka wadeen Deegaanadda Galmudug iyagga oo Tilmaamay in ay jiran Howlo kale oo rimaha ku qotomana in ay u harsan yihiin.

Dhawaanahanba waxaa dardar xoogan ku socda Dib-U-Heshiisiinta Beelaha Galmudug daga loo sameynayo iyadda oo lagu baadi goobayo Galmudug Mid ah.