Ra’isul-wasaare Kheyre Oo Gudoomiyey Shir Looga Hadlaye Arimaha Deyn-Cafinta.

0
251

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta shir gudoomiyey Shir looga hadlaye arimaha Deyn Cafinta Soomaaliya.

Shirkan ayaa ah mid Todobaadkiiba Mar Muqdiho lagu qabto waxaana Goob joog ahaa Wasiirka Maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo dhawaan Shir uga Qeybgalay Magaaladda Addis-ababa ee Xarunta Dalka Ethobia.

Wasiir Beyle waxaa uu sheegay in Shirka Maanta uu kasoo qeybgalay Ra’isulwasaare Kheyre uuna Warbiin kasiiyey Hanaanka Deyn Cafinta Soomaaliya iyo Warbixintii Shirkii dhawaan  Addis-ababa kusoo gaba-gaboobay ee SMP4.

Gaba-gabadii Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ammaanay Hanaanka Deyn Cafinta Soomaaliya iyo Sida Wasaaradda Maaliyadda ay u dardargalineyso Sidii Deymahaa Looga Cafin lahaa Soomaaliya.