Muxuu Yahay U Jeedka Shirka Maalgashiga Puntiland.?

0
238

Maamulka Puntland ayaa isu diyaarinaya qabashada kulan-weyne noociisa aan hore loogu qaban kaas oo ku saabsan maalgashiga oo ay ka qayb geli doonaan ganacsato Soomaali ah, Ajaanib,hay’adaha ka shaqeeya arrimaha maalgellinta iyo dhinacyo kele oo saamayn ku leh oo qaybtood ay Garoowe oo shirku ka furmi doono ay soo gaareen.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo waraysi siiyey laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa ujeedka kulankan ku sheegay inuu salka ku hayo wax-qabadkii uu ballan-qaaday si gaar ahna uu diiradda u saarayo kobcinta dhaqaalaha iyo soo bandhigidda fursadaha maalgashi.

” Ujeedada ugu weyn ee aan leenahay waa inaan soo bandhigno fursadaha maalgashi ee Puntland ka jira ee kala duwan iyadoo Puntland ay tahay saddex meelood meel Soomaaliya, xeebta 50% ama kala bar-na ay tahay ,khayraad fara badan iyo fursado badanna ay ka jiraan haddana sidaa oo ay tahay ay ka jiraan duruufo dhaqaale oo dadkeeda haysta” ayuu yiri Siciid Deni oo qeexayey sababaha kulankan ay u qabanayaan.

Isbeddellada dhanka ganacsiga iyo awoodda baayac mushtarka Soomaalida oo horumar dhaqaale sameeyey ayaa sida uu madaxweynuhu sheegay dadka Puntland Waxaa looga fadhiyaa in ay maal-qabeenada Soomaalida iyo kuwa shisheeyaha ahba fahansiiyaan fursadaha maalgashi eek a jira Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in hadafka tallabaadani uu yahay maal gelin miisaan leh, shaqo abuur, koboc dhaqaale si loo helo degannaansho amni iyo mid siyaasadeed.

Mar ay BBC-du madaxweynaha Puntland waydiisay hirgellinta barnaamijkan iyo rajada uu ka qabo inuusan guuldarraysan doonin ayuu sheegay ” Waxaan ku faraxsannahay dadka aan casunnay oo qaybtood ay timid, aragtida aan ka leenahay inay nala qaateen oo ay ku qanceen sharaxaadayada” ayuu yiri Siciid Deni.

Soomaalida oo soddonkii sano ee u danbeeyey si weyn uga dhex muuqatay ganacsiga dalalka Bariga Africa ayuu sheegay inay kaalin weyn ku leeyihiin dadka kulankan ay ku marti qadeen.

Dhanka ammaanka iyo saamaynta Alshabaab iyo ISIS oo Bariga Puntland saldhigyo ku leh ayuu tilmaamay inay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan isagoo qiray in nabad gelyada iyo horumar maalgashiga laga gaaro inay isku xiran yihiin.

Khilaafka arrimaha qaybtood ee u dhexeeya Dowladda dhexe Federaalka iyo Puntland ayuu sheegay inaysan saamayn ku yeelan karin arrintan gaar ahaan iskaashiga shirkadaha ajaanibta ah oo carrabka uu ku adkeeyey in dastuurka dalka aysan ka hor imaanayn.

Madaxweynaha Puntland oo aan waydiinnay caqabadaha haysta hirgellinta hishiiskii dekedda Boosaso ee DPWorld horey loola galay ayaa ku jawaabay ” Dilkii loo gaystay maariyihii Dekedda wuxuu noo gaystay dhaawac waxaana ka shaqeeyey dad horumarka Puntland neceb.”

Deni ayaa sheegay in inkastoo uusan waqti cayimin in mashruucaas sannadkan gudihiisa ay toos shaqadiisu u bilaaban doonto.