Waare Oo Tacsi U Diray Qoysaska Mas’uuliyiintii Geeriyootay iyo Al-Shabaab Oo Sheegatay Qaraxii Gololeey.

0
227

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo la hadlay Warbaahinta ayaa Tacsi u diray Eheladda Mas’uuliyiintii Maanta Lagu Dilay Qaraxa iyo Guud ahaan Shacabka Hirshabelle iyo Kan Soomaaliyeed oo Dhan oo ay Ka Baxeen.

Qarax Xoogan oo Maanta ka dhacay Deegaanka Gololeey Oo Qiyaastii 7-Km u jirta Degmeda Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe waxaa Ku Geeriyooday Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka G/Sh/Dhexe ee dhanka Maaliyadda C/Laahi Shitaawe iyo Wasiirkii Hore ee Ganacsiga Hirshabelle Sabriye Cismaan iyo Qof Ganacsade ah oo la socday iyo Hal Askari inta laxaqiijiyey.

Madaxweyne Waare waxaa uu sheegay in Mas’uuliyiinta ay ku baxeen Gacan ka Xaqdaran islamarkaana uu alle uga baryayo in uu janatul firdowsa Ka waraabiyo.

Al-Shabaab

Dhinaca kale Xarakadda Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuluyadda Weerarkan.

Afhayeenka Al-Shabaab Sheakh Cabdulcasiis Abu Muscab oo lahadlay Warbaahinta Afkooda ku hadasha Waxaa uu sheegay in Miino Nuuca Dhulka lagu Aaso lagu Dilay Mas’uuliyiinta oo ahaa Kuwa Bartilmaameedsan.

“Allaah fadligii howlgalku wuxuu u dhacay sidii loo qorsheeyey, waxaana lagu dilay cadowgii bartilmaameedka ahaa” ayuu yiri Afhayeenka ciidanka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab oo la hadlay Idaacada Andalus.
Inta badan wadada Xeriirisa Muqdisho iyo Jowhar waxaa ka dhaca Qaraxyo iyo Weeraro ay Al-Shabaabku ku Bartilmaameedsadaan Mas’uuliyiinta Maamulka Hirshabelle.