Dhacdo Naxdin Leh: Dabley Hubeysan Oo Sh/Dhexe Ku Dishay 3-Ruux Oo Ku Sugnaa Xaflad Aroos

0
276

Wararka aynu ka heleyno Deegaanka Caliyaale Oo katirsan Gobolka Shabellaha Dhexe waxaa ay sheegayaan in Dabley Hubeysa ay Toogatay 3-Ruux.

Dadka la dilay ayaa waxaa la sheegay in ay ku sugnaayeen Xaflad Aroos oo Halkaa Ka dhaceysay.

Qof Goob jooge ah ayaa Gargaar.net u sheegay in Xafladii Arooska ay mar qura isku bedeshay jawi Tiiraanyo Leh kadib Markii Dabley Hubeysan ay Toogasho Ku Dishay 3-ruux oo Goobta Xafladu ku sugnaa.

Xaflad Aroos Oo Marqura Isku Bedeshay argagax iyo Tiiraanyo.

Dableyda Dilka Geesatay ayaa Goobta isaga Baxsatay Lamana oga Sababta Dhabta ah ee Dilka Ka Dambeysay.

Dhacdadan ayaa Noqotay mida ugu hadal heynta Badan Guud ahaan Gobolka Gaar ahaan Deegaanka Caliyaale iyadda oo labadii qof ama Kooxdii meel isugu timaadaba ay Isweydiinayaan aadna ay uga argagaxeen Dadka Deegaanka.

Weli Mas’uuliyiinta Maamulka Hirshabelle iyo Kan Deegaanka kama aysan Hadlin dhacdadan mana jiro wax baaritaan ah oo lagu baadigoobayo Dableydii dilka geesatay oo socda ilaa iminka.