Boliiska G/Bari iyo Ardey Iska Kaashaneyaa Sugida Amniga Magaalo Xeebeedka Boosaaso.

0
209

Taliyaha Ciidanka Boliiska Gobolka Bari ee Puntiland oo Saxaafadda Kula Hadlay Magaalada Boosaaso Ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Boliiska Gobolka Iyo Ardeyda Ay iska kaashanayaan Sugida Ammaanka Magaaladda.

Waxaa uu sheegay in Wada shaqeyn Wanaagsan ay ka dhexeyso Ardeyda Waxkabarata Dugsiyadda Waxbarasho ee kuyaala Boosaaso iyo Ciidamadda Boliiska ayna Go’aan ku gaareen in ay iska kaashadaan Xaqiijinta Amniga.

“Qolyahan Argagaxisada ah Wey Dilayaan Ardeyda Mayaqaanaan kani waa ardey iyo kani waa askari, Waxaa ay had iyo gooraale utaagan yihiin xasuuqa shacabka iyo dadka Waxgalka u ah Bulshadda” ayuu yiri taliyaha.

Talaabadan ayaa hadii ay hirgasho waxaa lafilayaa in ay wax badan iska bedelaan Ammaanka Guud ee Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee Puntiland.