Ra’isulwasaare Kheyre Oo Booqanaya Magaalada Marko Xarunta G/Sh/Hoose.

0
225

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo Todobaadkaanba ku sugnaa Deegaanadda Maamulka Koofur-Galbeed Soonaaliya ayaa lagu wadaa in uu Booqasho ku tago Magaaladda Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.

Qabanqaabadii ugu dambeysay ee soodhaweynta Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa Xilligan ka soconeysa Magaaladda Marka.

Ra’isulwasaare Kheyre oo Todobaadkan ku sugnaa Deegaanadda KGS waxaa uu Gaaray Magaalada Beydhabo Xarunta Gobolka Bay, Magaalada Xudur Xarunta Gobolka Bakool, markanna waxaa lagu wadaa in uu Gaaro Magaaladda Marka Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.

Xubno katirsan Xafiiska Ra’isulwasaare kheyre ayaa Gargaar.net u sheegay in Kheyre uu Maalinta Berito ah tagidoono Xarunta Gobolka Shabellaha hoose.

Xubnaha aynu la hadalnay waxaa ay inoo sheegeen in Jimcaha maanta ah Magaaladu ay gaaridoonaan Wufuud horu dhac ah oo ka kooban DFS iyo KGS Balse Ra’isulwasaaruhu uu Berito gaaridoono.

Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno Magaaladda Marko Waxaa ay sheegayaan in Ammaanka Guud ee Magaaladda iyadda oo Ciidamo fara badan lagu arkayo Afarta Xaafadood ee Magaaladu.

Wadooyinka Waaweyn ee Magaaladda Marka ayaa Marka la eego waxaa siweyn loogu Xardhay Boorar aad u qurux badan oo lagu xardhay Sawirka Xasan Cali Kheyre iyo Calamada Astaanta u ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo kan Maamulka KGS.

Wixii akhbaaraad ah ee wararkaa kusoo kordhaa kala soco gargaar.net.