Dib U Dhac Markale Ku Yimid Shirweynaha Dib-U-Heshiisiinta Galmudug.

0
281

Wararka aynu ka heleyno Magaaladda Dhuuso-Mareeb Ee Gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in dib udhac uu kuyimid Shirka Dib-U-Heshiisiinta Galmudug.

Shirkan oo ah mid lagu doonayo in lagu dhiso Galmudug loo dhan yahay oo Caafimaad qabta ayaa lagu waday oo uu qorshuhu ahaa in Arbacada Maanta ah uu Furmo balse Dib udhac ayaa kuyimid.

Gudiga Shirweynaha Dib-U-Heshiisiinta Galmudug Ee Dhuuso-Mareeb.

Qoraal kooban oo lagu daabacay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA ayaa lagu baahiyey in Shirkan uu Baaqday.

SONNA oo soo xiganeysa Xubno katirsan Gudiga ayaa ku warantay in Shirka uu ubaaqday Sababo Farsamo aawadeed Balse uu Furmi doono khamiista Berito ah.

Ma aha Markii ugu horeysay oo dib udhac uu kuyimaado shirweynahan oo Dhowr jeer oo hore oo Guddigan ay u madleen ayuu Baaqday sababo laxeriira Ergeda Beelaha Daga Deegaanadda Galmudug Qaarkood oo Saluugsan Sida ay wax u socdaan.

Dhawaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaaladda Muqdisho ka qaaday Ergo Bedel unoqda Ergeda Magaaladda Cadaado Oo ka biyo diiday Ka qeybgalka Shirkan.

Wixii kusoo kordhaa Wararkeena Xiga ayaadun ku daalacan doontaan insha’allah.