Somaliland Oo Ka Hortimid Heshiis Ay Kala Saxiixdeen DFS iyo Midowga Yurub.

0
236

Maamulka Somaliland ayaa Ka hortimid Heshiis ay dhawaan kala Saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ururka Midowga Yurub.

Heshiiskan Oo labada Dhinac ay kala Saxiixdeen ayaa ku Saabsanaa Dhismaha Wadooyinka Iyo Hormarinta Magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Qorsheynta Maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in DFS aysan Awood u laheyn Saxiixa Heshiis Nuucaani ah.

Waxaa kaloo lagu sheegay in Heshiisyadda Nuucaani ah ay tahay in Si toos ah loogala arinsado Somaliland iyadda oo Heshiis Dhinacyo kale Soomarayna aysan Suuragal aheyn in uu ka dhaqan galo Berbera iyo Guud ahaan Deegaanada Maamulkaasi sida Qoraalkan lagu sheegay.