Puntiland: “Diyaarad Hub Sida Kama Dagin Garoonka Qardho”

0
261

Dhawaanahanba Warbaahinadda Dalka ayaa Qoraye Warar ay Bulshadda ku jahwarertay oo Been abuur ah kuna Saabsanaa in Diyaarad hub siday ay ka degtay Magaaladda Qandho.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomadda Maamulka Puntiland oo Maanta Shir jaraa’id Qabtay ayaa kaga hadlay wararka laxeriira in Diyaarad Siday Hub ay ka degtay Garoonka Magaaladda Qardho.

Waxaana uu sheegay in arintan ay tahay mid aan Sal iyo raad laheyn oo la doonayo in Bulshadda lagu marin habaabiyo.

Waxaa kaloo uu Xusay in Garoonkaas ay ka degeen Labadii Maalin ee ugu dambeeysay Labo Diyaaradood oo Qaad siday un kaliya.

Ugu dambeytii Wasiirka ayaa Tilmaamay in Talaabo Sharci ah ay kaqaadi doonaan Warbaahintii markale daabacda Warar Nuucaani ah oo Bulshadda lagu marin habaabinayo oo katirsan Warbaahinada Puntiland.