Taliye Xijar:- “Waan Kordhin Donna Tirada Sarakisha Hawenka Ee Ciidanka Boliisk Soomaaliya”

0
265

Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa sheegay in muddada uu jooga taliska uu sare u qaadi doono tirada saraakiisha haweenka ee ku jira ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliye Xijaar oo khudbad ka jeediyey munaasabadda uu xilka kula wareegay ayaa ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono sidii loo badin lahaa tirada gabdhaha ee saraakiisha ciidanka Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu ka war heyn doono caruurta agoonta ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed, si ay u helaan daryeel wanaagsan.

Taliye cusub ee ciidanka Booliska ayaa shalay xilka kala wareegay taliyihii hore ee Ameeriko, kadib munaabad ka dhacday gudaha magaalada Muqdisho