Ragga Oo Aan Laga Qeyb Galin “Dooda Ilmo Iska Soo Xaaqida”.

0
262

Doodda aadka u kulul ee la xiriirta ilma iska soo xaaqidda, waxaa diiradda lagu saaraa xuquuqda hooyada iyo ilmaha caloosha ku jira. Balse Nin ku nool Alabama ayaa gudbiyay dacwad ah in gacalisadiisa ay ilmo iska soo tuurtay isagoo diidan. Waa dood seddaxaad oo kusoo korortay kuwii hore, sida uu qoray James Jeffrey.

Ka dib markuu dhammaaday xanaaqa; Ka dib makuu balwadda joojiyay taas oo ahayd farsamo dib u soo kabashoah; xitaa ka dib markii qoys qurux badan uu yeeshay; murugada xad-dhaafka ah weli way heysaa – waxayna u badan tahay in ay sii jiri doonto.

Taasi waa farriinta ka timid ragga ka hadlaya khibradda ay u leeyihiin ilma iska soo xaaqidda. Waa hadal aan inta badan la maqalin marka Mareykanka la joogo. Balse dadka taageero arrintan waxay sheegayaan in raggan ay beenaalayaal yihiin aysanna matalin inta badan ragga ku lugta leh in dumarka ay ilmaha caloosha ku jira iska soo ridaan.

Dhowaan, aragtida raggan u muuqato waxay tahay xildhibaannada doonaya in la xakameeyo hannaanka ilma iska soo tuuridda. Waxaa taas ka hor imaanaya dadka taageera arrintan oo xildhibaannada ku eedeynaya in jirka dumarka ay sharciyeynayaan. Balse hadda diidmada ficilkan ee aabayaasha waa dhawaq kale.

Haddaba, xarunta ilmaha la isaga soo xaaqo ee Alabama waxaa dacwad ku oogay nin sheegay in saaxiibtiisa ay ka soo tuureen cannuggiisa isagoo diidan, sannadkii 2017-kii.

Kiiskan waa midkii ugu horreeyay ee noocan ah, sababtoo ah maxkamadda waxay garatay in cannugga aan dhallan uusan dacwoon karin, aabahana uu yahay wakiilka canuggiisa ee marxaladdan.

“Halkan waxaan ku matalayaa ragga sida dhabta ah u doonaya in ay caruurtooda korsadaan,” Ninkan ayaa sidaas u sheegay wakaalad warar, bishii February.

“Waan baryay , waxaan ka qabsaday jilbaha, waan kala hadlay arrintan, waana isku deyay inaan arko waxa aan sameyn karo. Balse ugu dambeyn, wax aan sameyn karay ma jirin oo aan ku badalo fikirkeeda.”

Dhowaanahan, ragga Mareykanka ma lahan xuquuq sharci oo ay ku joojiyaan in hooyo uur leh ay ilmaha iska soo rido, kaas oo iyaga ay masuul ka yihiin.

Sharciga wuxuu u baahan yahay in aabaha lagala hadlo ama lagu wargeliyo oo keli ah in ilmaha la soo xaaqayo, waxaana arrintaas go’aamiyay maxkamadda sare ee Mareykanka.

“Waxaan ahaa 30 jir nolol wanaagsan ku haystay Dallas,” ayuu yiri Karl Locker oo hadda 65 sano jir ah. Markii loo sheegay in uur loo leeyahay wuxuu tilmaamay in uu dareemay “sida dawaco shabaq ku dhacday”.

Wuxuu go’aansaday in uu taageero iyada iyo canuga caloosha ku jiray. “Wax kasta ayaan sameeyay, waan isku deyay in canugga aan iska qaato xitaa, ama aan siiyo dad korsada,” Mr Locker ayaa sidaa sheegay isagoo sharaxayay in uu jeclaa in canugga uu badbaado in ay ahayd xaaladdii ugu wanaagsanayd.

“Waxay sheegtay in weligeed aysan canuggeeda siineyn qof kale oo korsada – ma ahayn wax caqligal ah.”

Presentational grey line

Ugu dambeyn wuxuu gabadhii geeyay cisbitaalka, waxaana laga soo tuuray ilmihii. Muddo ka dib wuxuu u guuray California, maadaama uu u adkeysan waayay in uu qeyb ka noqday sameynta wax aan “wanaagsanayn”, sida uu sheegay.

“Ma garaneyn sida aan ku badbaadi karo; Ma dooneyn in aan buundo ka boodo, balse waan damcay inaan sun cabo,” ayuu yiri Locker. Wuxuu aaminsan yahay in xaas kale uu guursaday in ay ka badbaadisay waxaas oo dhan.

“Waxaan maalin kasta ka fakaraa wixii dhacay 32 sano ka hor,” ayuu hadalka ku sii daray.

Ragga waxaa ilma iska soo tuuridda looga qeybgeliyaa mid ka mid ah afar qaab; dhammaantoodna waxay ku ridaan niyad jab iyo walbahaar ka dib marka ay soo xasuustaan lugtii ay ku lahaayeen. Waxaa sidaas laga soo xigtay dadka sameeya latalinta caafimaad.

Mararka qaar ragga iyagaa ku qasba xaaska in ay ilamaha iska soo xaaqdo; Kuwana waxay sheegeen in go’aankeeda ay taageerayaan wuxuu ahaadaba.

Ragga qaar waxay ogaadaan in ilmahooda la soo xaaqay ka dib markuu ficilka dhaco amaba ayagoo aan rabin ayaa la sameeyaa.

Afti uruurin la sameeyay ayaa muujisay in inta badan dumarka ay sheegeen in aysan ka shalayneyn in ilmo ay iska soo tuureen, balse cilmi baarisyo kooban ayaa laga sameeyay sida ragga ay uga falceliyaan.

Xogta ragga la xiriirta ee la hayo waxay ka timid kooxaha sameeya latalinta caafimaad taas oo ku tiirsan rag iyaga u tagay oo talo raadinayay, wayna adagtahay in xog baaxad leh laga helo.

Laakiin hadalladooda waxaa ka buuxa arrimo isku mid ah, sida dareenka xanaaq badan, dambiile, ceeb iyo murugo aad xad dhaaf u ah oo ku soo beeganta munaasabadaha la xiriira xilliga uu falka dhacay.

“Ragga waxaa loogu talagalay inay difaacayaal noqdaan, marka waxaa jiro dareen fashil ah – ku guuldareysashada difaacidda hooyada iyo canugga aan dhalan, guuldarada masuuliyadda,” ayuu yiri Chuck Raymond oo ah 61 jir.

Xaaskiisa ayaa 1970-maadkii, oo ahayd 18 jir, waxay iska soo tuurto ilmo, xilligaas isaga xitaa wuu yaraa. “Waxay igu tahay dembi weyn iyo ceeb in aan arrintaas sameeyay.”

Sawirka Chuck Raymond iyoxaaskiisa Linda oo la qaaday 1976. weli wey is qabaan.
Sawirka Chuck Raymond iyoxaaskiisa Linda oo la qaaday 1976. weli wey is qabaan.
Presentational grey line

waa midkii ugu culsaa ee la ogyahay ee la xiriiray ilma iska soo xaaqidda, kaas oo lagu sharciyeeyay hannaankaas ee Mareykanka oo dhan.

Balse laba kiis oo kale oo midkaa ka dambeeyay ayaa saameyn weyn ku sii yeeshay ragga, sida u sheegay Allen Parker, oo ah madaxweynaha hay’adda cadaaladda. Waa xarun sharci oo aad u adag oo ku taalla Texas.

Ka dib go’aankii maxkamadda sare ee 1976 ee isu diyaarinta noqoshada waalid iyo dhankii kale ee ka soo horjeeday, wuxuu noqday in fasaxa aabaha ee arrintan aan loo baahneyn. Midkii ka dambeeyay ee 1992-dii, wuxuu go’aanka noqday in aabahayaasha aysanba xaq u lahayn in la wargeliyo.

Stephen Imbarrato oo ka mid ahaa aabayaashii ku dibadbaxay albaabka maxkamadda sare
Stephen Imbarrato oo ka mid ahaa aabayaashii ku dibadbaxay albaabka maxkamadda sare

Xaqiiqdii, in ragga loo diido in ay ku lug lahaadaan arrintan waxaa lagu saleeyay fikrado taariikheed oo la xiriira in nin uu wax u sheego haweeney.

“Waxaa jiro is fahan la’aan,” ayuu yiri Locker. “Ragga waxaa saaran masuuliyad – waa sidii laga doonayay – waxaa intaa dheer in dhaqaalahooda uu ku baxayo canugga dhalanaya, iyadoo taa ay jirto haddana xaq uma lahan in ay ka hadlaan ilmahooda oo la soo xaaqayo”.

“Dadka ma arkaan; ragga waxay dhigeen bannaanka,” ayuu yiri Theo Purington, oo 34 sano jir ah, kaas oo xaaskiisa ay ilmaha iska soo tuurtay sannadkii 2006, isagoo diidan ficilkaas. Wuxuu ka qaaday “Walbahaar iyo caloolyow”.

Arrintan waxay ku qasabtay in uu ku biiro ururada u ololeeya in nolol la badbaadiyo iyo latalinta ragga xaaladahaas la daalaa-dhacaya.

Theo Purington iyo gabadhiisa oo 7 sano jir ah, Sienna
Theo Purington iyo gabadhiisa oo 7 sano jir ah, Sienna

“Haddii la dhoho ragga ha fasaxaan arrintan, waxaad arki lahayd hoos u dhac boqolkiiba 50 ah, waana sababta ay dhaqaatiirta sameysay ficilkan u diidayaan in ragga ay qeyb ka noqdaan,” ayuu hadalka ku sii daray Mr Purington.

Amy Hagstrom Miller, oo ka shaqeysa caafimaadka dumarka waxay sheegtay: “Hadda ragga waxaa cad in bilowgaba lagala tashado marka gabadha ay uur yeelaneyso.”

Waxay inta ku dartay in dadka u ololeeya xuquuqda arrintan aysan naftooda ku caawin in xaaladdu tahay arrin dumar oo keli ah. “Ilma iska soo xaaqidda waxay faa’iido u tahay rag, dumar iyo qoysasba,” ayey tiri.

Waxay intaa ku dartay in inkabadan 60 boqolkiiba, bukaanada ilmaha iska soo rida ay waalidiin yihiin. Waa tiro lagu taageeray cilmi baarista machadka Guttmacher.

Ms Hagstrom Miller waxay tilmaamtay in ay jeceshahay in doodda ay ka gudubto arrimaha xuquuqda, lagana hadlo “sharafta iyo xushmadda; Damqasho iyo naxariis”. Waa dareen la mid ah midka ay qabaan dadka diidan ficilka ilmaha lagu soo xaaqo.