Xidig: “Kismaayo Waxaa Ka bilowday Shirqoolo Lagu Ugaarsanayo Xubnihii Is-Bedel Doonka Ahaa”

0
245

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig Oo Kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Dhawaanna Sheegtay in Madaxweyne Loogu Doortay Magaaladda Kismaayo Ayaa Muujiyey Walaac dhinaca Amnigiisa ah.

Isaga oo Qoraal kooban soo dhigay Bogiisa Facebook ayuu Xidig waxaa uu sheegay in Xilligan ay soo ifbaxeyso shirqoolo loo maleegayo Xubnaha Isbedel Doonka ah Mudaneyaashii Baarlamaanka iyo Odayaasha dhaqanka.

Waxaa kaloo uu sheegay Xidig in Shirqooladaa iyo Dhagartaa La Maleegayo aysan Marnaba Niyad Jabin doonin.

Talaabadan ayaa imaaneysa iyadda oo Maalmihii ugu Dambeeyey Magaaladda Kismaayo ay Howlgalo Ammaan Xaqiijin ah ay ka wadeen Ciidamadda Ammaanka Jubbaland.