Japan Oo Africa Ka Caawineysa Wax Soo Saarka Bariiska.

0
242

Dowladda Japan ayaa ballan qaaday in Afrika ay ka caawineyso sare u qaadidda wax soo saarka Bariiska sannadka 2030-ka, waxay arrintani ka dambeeysay xilli hogaamiyeyaalAfrika ka socda ay ka qeybgaleen shir Japan ay martigelisay oo ka dhacay magaalada Yokohama.

Ra’iisul wasaaraha Japan, Shinzo Abe waxaa uu sheegay in waxyaaha teknooloojiyadda ee dalkiisa ay kaalin weyn ka qaadaan doonaan fulinta hadafkan.

Qorshahan ayaa ah in Afrika laga caawiyo sidii muddo 11 sanno gudahood ay kusoo saari laheyd 50 malyan oo tan oo Bariis ah.

Bangiga horumarinta Afrika ayaa waxaa uu taageeray qorshaha ay shaaca ka qaaday Japan.

Japan waxay xiriir dhanka iskaashiga ah la leedahay bangiga horumarinta Afrika si loo taakuleeyo beeraleyda qaaradda si looga baxo cunto gabaabsiga.

Nigeria oo ah dadka ugu dadka badan qaaradda ayaa isku dayay in uu sare uu qaado wax soo saarka beeraha Bariiska tan iyo sannadkii 2015-kii.

Madaxweynaha Nigeria, Muhammadu Buhari waxaa uumamnuucay Bariiskii dalkaas dibadda uga imaan jiray sii loo dhiirogeliyo beeraleyda gudaha.