Hooyo Hal Mar Dhashay Shan Caruur Ah.

0
354

Haweenay u dhalatay dalka Uganda ayaa hal mar dhashay shan carruur ah, saddex gabdhood iyo laba wiil. Sida lagu sheegay wargayska Daily Monitor.

Sofiat Mutesi, ayaa ka soo jeeda tuulada Nawaikoke ee bariga Uganda, waxay horay u dhashay mataano iyo saddex carruur ah oo ay hal mar dhashay.

“Ma filaynin in ilmaha calooshayda ku jiray ay ahaayeen shan carruur ah, mar aan horay isbitaalka u tagay waxa uu dhakhtarka ii sheegay inaan mataano wado,” Ayey tiri Sofiat Mutesi.

Maureen Babibe Waa umulisada Dhalisay Hooyadan Waxaa ay sheegtay In Hooyadan ay siwada jir ah u dhashay Caruurtan Xaaladooda Caafimaadna ay aad u wanaagsan tahay.

“Mudo ayaan umuliso Soo ahaa Ebidna Arag iska daaye Maan Maqal Hooyo Markaliya Foolatay Oo dhashay Shan Caruur ah”ayey tiri Umulisada.