Beledweyne: Ergedii La Kulantay Al-Shabaab Oo Xabsiga La Dhigay.

0
269

Wararka aynu ka heleyno Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa kuwaramaya in Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Xabsiga Utaxaabeen tiro Badan oo kamida Ergadii Soo Xushay Xildhibaanadda Barlamaanka ee la kulmay Al-Shabaab.

Dhawaan Al-Shabaab ayaa Soobandhigtay Sawiradda Ergadii Soo xushay Xildhibaanadda Barlamaanka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ee Deegaan Doorashadda Galmudug iyo Hirshabelle.

Saraakiil Ka Tirsan Ciidamadda DFS ee Beledweyne ayaa Xabsiga dhigay in ka badan 10-Kamida Ergeda Lakulantay Al-Shabaab ee Cafiska Doontay.

Saraakiil katirsan Ciidamadda Ammaanka DFS ee Ku Sugan Beledweyne oo Lahadlay Gargaar.net ayaa Sheegay in ay wadaan Baaritaanadda Odayaal kale oo kamida ergedii Al-Shabaab Cafiska u doontay.

Ergeda ayaa Kabaqay Al-Shabaab oo digniin adag usoo dirtay Shegtayna in Talaabo ka qaadidoonto Cidii Cafiskaa aan Doonan Balse waxaa ay dharigii labada dhinac ka gubtay Noqdeen Markii Mas’uuliyinta iyo Saraakiisha Deegaanadoodu ay u sheegeen in ay Talaabo ka qaadayaan.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in Odayaashan ay hordhigtay Dalab Culus si loo cafiyo kaasi oo ay kamid aheyd in Xildhibaanada Xiga ay Soo xulayaan kuwa ay wataan iyagu oo ay raali kayihiin.

Talaabooyinka waxaa kamida ay wajahi karaan Xabsi, Ganaax Lacageed iyo Kalsooni kala Noqosho Odaynimo sida Mas’uuliyiin Hore u hadlay ay sheegeen.