Maxey Kawada Hadleen Axmed-Madoobe iyo Musharaxiintii La Tartantay Oo Kulmay.?

0
249

Madaxweynaha la Doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed-Madoobe) ayaa Maanta Xarunta Madaxtooyadda Jubbaland ku qaabilay Musharaxiintii Isagu la Bartameysay ee uu Doorashadu kaga Guuleystay.

Axmed Madoobe ayaa 22-Bishan Kusoo baxay Doorasho Ka Dhacday Magaaladda Kismaayo ee Xarunta KMG u ah Maamulka Jubbaland inkastoo DFS ay Saluugtay Hanaanka Loomaray Doorashadaas.

Kulanka Maanta Kismaayo ku dhexmaray Madaxweynaha Dib Loo Doortay Ee Jubbaland iyo Musharaxiintii la Tartantay ayaa ahaa Mid is Xog wareysi ah.

Xubno katirsan Madaxtooyadda Jubbland ayaa Gargaar.net u sheegay in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Musharaxinta ay isdhaafsanayeen Aragtidooda ku aadan Geedi socodka Jubbaland.

Musharaxiinta oo Axmed Madoobe kaga Mahadnoqay Casuumaadiisa Ayaa Balanqaaday in Ay la shaqeyndoonaan iyagga oo Shacabka ugu Baaqay in ay sidhaw ula shaqeeyaan Xukuumadda Cusub ee uu soodhisayo.