Dhuso-Mareeb Oo U Diyaar Garobeysa Shirweynaha Dib-U-Heshisinta iyo Kulamo Maanta Ka Dhacay.

0
251

Magaaladda Dhuuso-Mareeb Ee Gobolka Galgaduud waxaa Ka soconaya Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee Shirka Dib-U-Heshiisiinta Galmudug.

Waxaa meesha Ka baxay Wararkii Sheegaye in Khilaaf uu soo Kala Dhexgalay Xubnaha gudigga Qabanqaabada Dib-U-Heshiisiinta Galmudug kadib Markii Guddigu ay Cadeeyeen in Wararkaa ay Yihiin kuwa aan Sal iyo Raad toona laheyn.

Maanta Maxaa Dhacay.?

Odayaasha dhaqanka iyo bulshada magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta Dhuusamareeb qado sharaf ugu sameeyay guddiga dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo ergada magaalada u timid in ay ka qeyb galaan shir-weynaha loogu diyaar garoobayo dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Ugaas Cabdi daahir Ugaas Nuur oo ka hadlay qadada reer Dhuusamareeb u sameeyeen guddiga iyo ergada ayaa sheegay in kulanku ahaa is barasho iyo soo dhaweyn, waxa uuna ku dhiirri geliyay reer Galmudug in ay ka shaqeeyaan horumarka deegaanka.

Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde oo ka hadlay afka ergada kulanka ka qayb galay ayaa uga mahad celiyay reer Dhuusamareeb soo dhaweynta waxa uuna dhankiisa sheegay in reer Galmudug ay ka faa’iideystaan fursadda dahabiga ee la siiyay oo ay ka wada shaqeeyaan adkeynta midnimada.

Halkan Hoose Ka Daalaco Sawiradda Qadadii Maanta.