Xasan Xaaji Darafeey Oo Loo Doortay Gudoomiyaha Degmeda Warsheakh Ee G/Sh/Dhexe.

0
306

Magaaladda War-Sheakh oo Katirsan Gobolka Shabellaha Dhexe waxaa Maanta ka dhacday Doorashadda Gudoomiyaha Degmeda Warshekh.

Doorashada oo u dhacday Qaab Codeyn ah waxaa Cod Aqlabiyad leh kusoo baxay Xasan Xaaji Darafeey oo kamid ahaa Nusharaxiintii Bartameysay.

Waxaa Codeynaye 21-Kamida Golaha Deegaanka Degmeda iyadda oo Gudoomiyahan Cusub ay u Codeeyeen 17- Qof halka Qofka kusoo xigayna uu helay 4-Cod oo kaliya.

Gudoomiyaha Cusub ee Warsheakh Hasan Xaaji Darafeey ayaa Xilkan ka Bedelidoono Gudoomiye Shiidka oo Xilkan Haye.

Xasan Xaaji Darafeey waa nin Dhalin yaro ah oo kamid ahaa Ganacsatada Da’yarta ahi ee Magaaladda Muqdisho waxaana la aaminsan yahay in Deegaanku uu wax badan kusoo kordhin doono.