Taabit Cabdi Maxamed Oo Hampalyo U Diray Axmed-Madoobe.

0
346
Thaabit Cabdi Maxamed

Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa Hampalyo u Diray Madaxweynaha Ladoortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo Markii Sedexaad oo Xeriir ah ku Guuleystay Doorashadda Hogaanka Jubbaland.

“Hambalyo Madaxweynaha la doortay ee DG Jubbaland Mdne Axmed M. Islam. Allaha u fududeeyo xilka ummadda ee ammaanada ah. Sidokale hambalyo musharixinta kale, si gaar ah musharax Canab M. Dahir oo natiijo fiican keentay, tusaale kudayasho mudanna u horseeday Haweenka Soomaliyeed” Ayuu Yiri Thaabit Oo Qoraal Kooban Soo Dhigay Twiterka.

Isaga oo sii Hadlaye ayuu yiri “Waxaan u mahadcelinayaa Duubabka, Dhaqanka, Guddiga Doorashada, laamaha amniga, Amisom iyo dhammaan reer Jubbaland sida ay ugu dhabar adeygeen ka miradhalinta dadaalkii dheeraa ee waqtiga adkaa”

“Madaxweyne Axmed waxaan kula dardaarmaya inuusan noqon Guuleyste balse noqdo Hoggaamiye isu keena mucaarad & muxaafadba maadaama labaduba ay kuwada abtirsadaan magaca Jubaland. Sidokale inta samaha jecel waxay kaa rajeynayaan inaad nabadoonnimadii lagugu yaqiin wax ku xeerisid” ayuu hadalkiisa Ku Daray”

Gabagabadii Duqii Hore ee Muqdisho ayaa Qoraal kooban oo uu soo dhigay Twiterka baaq ugu Diray DFS oo uu sheegay in loo baahan yahay in ay La Timaado Isku Tanaazul.